Saturday, May 17, 2025

AKHRISO: Magacyada Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ee maanta dhaceysa

Waxaa magaalada Jowhar dhowaan ka bilaabaneysa doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan 8 musharax.

Xaaladda ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalkaay xireen dhaqdhaqaaqa magaalada, waxaana ku sugan Jowhar dadkii ugu faraha badnaa muddooyinkan.

MUSHARIXIINTA U TAAGAN XILKA MADAXWEYNAHA AYAA KALA AH:

Ad
  1. Maxamed Cabdi Waare
  2. Cabdi Faarax Laqanyo
  3. Daahir Cabdulle Cawaale
  4. Cabdinasir Maxamed Shirwac
  5. Yusuf Hagar Daba-geed
  6. Maxamed Caruush Diirow
  7. Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
  8. Cabdikarim Cali Nuur

Habeenkii xalay ahaa ayaa la soo weriyay in ololaha doorashada uu gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo aan magaalada laga seexan, waxaana la arkayay wakiilada musharixiinta kala duwan oo olole ka dhex wada xildhibaanada Hirshabelle.

Goobta doorashada ka dhaceysa ayaa diyaar ah, waxaana hadda socda inay iska xaadiriyaan xildhibannada iyo marti sharafta kala duwan ee arrinta doorashada u joogta magaalada Jowhar.

Yaa ku noqon doona Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle? [3-da Musharax ee ugu cadcad]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON