Sunday, March 23, 2025

AKHRISO: Magacyada Mas’uuliyiinta iyo Hay’adaha degan Madaxtooyada ee laga saarayo

Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray in Xafiisyadda Dawladda ee dhex dagan Madaxtooyo iyo Siyaasiyiinta halkaasi daganaa inay uga guuraan Muddo 14 Cisho ah, taasoo ku eg 19 ka Bishan, maadaama Warqadda uu saxiixay 5 August. [Akhriso]

Haddaba waa Kuwee Masuuliyiinta laga saarayo Madaxtooyo,?

Xuseen Carab Ciise: Xildhibaan ahna Raiisul Wasaare Ku Xigeenkii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xilligii Sh Shariif.

Ad

C/wahaab Ugaas Khaliif: Raiisul Wasaare Ku Xigeen Hore.

C/samad Macalin Maxamuud: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.

- Advertisement -

C/laahi Goodax Barre: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore.

Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha Ahlusunna.

Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.

- Advertisement -

Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.

Sahro Samatar: Wasiir Hore.

Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha

Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).

Xuseen Damuumaaye: Sarkaal Sirdoon oo Ethiopia ku xiran.

Xafiisyadda la amray inay guuraan.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wasaaradda Maaliyada.

Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Xisaabiyaha Guud.

Garyaraanka Guud.

Gudiga Xuduudaha ee Baarlamaanka.

Gudiga Doorashooyinka Qaran.

Isbitaalka Imaaraadka.

Xabsiga Ciidanka Madaxtooyo

Warar Xul ah
SourceHornAfrik

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON