Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaartay dacwad muddo socotay oo ku saabsan 8 kursi oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Kuraastan oo Madasha Qaranka ay ansixiyeen xilligii doorashada isla markaana beesha caalamka ayaa hadda waxba kama jiraan laga dhigay iyadoo 8 xildhibaan oo hadda ka tirsan Baarlamaanka kuraastooda waayeen.
Go’aanka Maxkamadda Sare oo soo baxay 16-kii May 2017 ayaa meesha looga saaray sharcinimada kuraastasi, waxana xildhibaanada kuraastooda la laalay ee waayay xildhibaanninmadooda ay kala yihiin:
- Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)
- Maxamed Axmed Abdtidoon
- Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
- Maxamed Saciid Cabdullahi
- Nadif Aadan Isaaq
- Cabdicasis Salax Carmaan
- Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
- Samra Ibrahim Cumar
Musharixiinta kuraastaasi ee kuraastaadi ku dacwooday, isla markaan dacwada ku guuleystay waxay  kala yihiin:
- Caasho Xaaji Cilmi
- Muumino Sheekh Cumar
- Aadan Maxamed Cali
- Khaalid Cumar Cali
- Maxamed Mukhtar Ibrahim
- Boqor Cabdullahi Axmed Cali
- Malaaq Sidow Maadow
- Ibrahim Saalax Dayfullaah
Lama oga sida go’aankan ku dhaqangeli doono iyo haddii ay suuragal nqqon karto in xildhibaan 6 bilood ku dhowaad kursi u fadhiyay u aqbali karo go’aankan.
GOOBJOOGE.COM
Caasha Xaaji Cilmi oo Dacwad ku soo oogtay kursi uu ku guuleystay Musharixii Madaxtooyada