Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dowladdu qaaday, iyadoo arday ka badan 8500 arday ay dhaceen.
Xaflad ka dhacday Muqdisho ayaa lagu shaaciyey 100-ka Arday ee ugu sareysay imtixaaka Dugsiyada Sare ee Dowladda oo ka dhacay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana kaalinta koowaad galay arday lagu magacaabo Sayid-Cumar C/raxmaan Colaad Cali oo helay 92.43%.
100-ka arday ee ugu sareeya imtixaanka ayey dowladdu u ballan qaaday inay siineyso deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah. “Sidaan horay uga ballan-qaaday ardayda Soomaaliyeed, waxaan shaacineynaa 100-ka arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ah oo heli doona deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah…” ayuu yiri Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre.
Liiska 10-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka
1- Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%
2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%
3- Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%
4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxday dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%
5- Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%
6- Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%
7- Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%
8- Cabdifitaax Cabdulaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%
9- Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay PS 90.14%
10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamushaafici kuna baastay 90.14%
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA IYO DUGSIYADA UGU HOREEYA IMTIXAANKA DOWLADDA