Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa galabta 2 Ogost 2022 ku dhawaaqay xubnaha Golaha Wasiiraada cusub ee dowladda Federaalka.
Xubnaha ka dhex muuqada xukuumadda cusub waxaa ka mida; Sheekh Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa madaxa Al-Shabaab, isla markaana wixii ka danbeeyay Bishii December 2018 u xirnaa dowladii Farmaajo.
Dhinaca kale Senator Saalax Axmed Jaamac oo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, halka Maxamuud Cali Doodishe usna loo magacaabay wasiirka amniga gudaha. Saaxiibada Madaxweynaha ee qaatay xilalka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashnaadhigga oo dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, halka Faarax Cabdulqaadir loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.
HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB
1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud C/raxmaan Beenabeene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Cali Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbedelka Cimiladda





