Madaxweynaha cusub ee Deknya William Ruto ayaa ku dhawaaqay Golihiisa cusub ee Wasiirada oo ka kooban 21 wasiir iyo la-taliyeyaal sare.
Ruto sidoo kale u magacaabay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Justin Muturi inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud, halka Mercy Wanjau uu u magacaabay xoghayaha golaha wasiirada.
Hoos ka Akhriso Liiska Golaha Wasiirada Kenya:
Ad
- Wasiirka Arrimaha Gudaha – Prof Abraham Kindiki
- Hantidhowrka Qaranka – Prof. Njuguna Ndung’u
- Wasiirka Jinsiga Adeegga Dadweynaha iyo Talaabada Xaqiijinta – Aisha Jumwa
- Wasiirka Difaaca – Aadan Ducaale
- Wasiirka Fayadhowrka Biyaha – Alice Wahome
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta – Alfred Mutua
- Wasiirka Ganacsiga, Maalgashiga iyo Warshadaha – Muuse Kuriya
- Wasiirka Bulshada Bariga Afrika, iyo Horumarinta Gobolka – Rebecca Miano
- Wasiirka Wadooyinka, Gaadiidka iyo Hawlaha Guud – Kipchumba Murkomen
- Wasiirka Deegaanka iyo Kaymaha – Roselinda Soipan Tuya
- Wasiirka Dhulka, Guryaha iyo Horumarinta Magaalooyinka – Zachariah Mwangi Njeru
- Wasiirka Dalxiiska, Duurjoogta iyo Dhaxalka – Peninah Malonza
- Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha – Mithika Linturi
- Wasiirka Caafimaadka – Susan Nakumicha Wafula
- Wasiirka Macluumaadka, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha – Eliud Owalo
- Wasiirka Waxbarashada – Ezekiel Machogu
- Wasiirka Tamarta iyo Batroolka – Davis Chirchir
- Wasiirka Arimaha Dhalinyarada Isboortiga iyo Farshaxanka – Ababu Namwamba
- Wasiirka Iskaashatooyinka iyo horumarinta MSME – Simon Chelugui
- Wasiirka Macdanta, dhaqaalaha iyo arrimaha badda – Salim Mvurya
- Wasiirka Ilaalinta shaqada iyo bulshada – Florence Bore
- Wasiirka La taliyaha Hay’adda Xuquuqda Haweenka – Hariet Chigai
- Wasiirka La taliyaha Amniga Qaranka – Monica Juma

Warar Xul ah