Sunday, March 23, 2025

Akhriso: Go’aanka Maxkamadda ICJ kasoo saartay Dacwadii Xuduudka Badda ee Somaliya iyo Kenya

Shan Garsoore oo uu ku jiro Abdiqawi Yusuf oo Somali ah ayaa diiday in xariiqa xuduudka loo qaloociyo Somaliya, tasoo Keny ay xooggaa Bad ah ku heshay.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Kiiska Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa inta badan Soomaaliya u xukuntay xuduudkii ay Kenya muranka gelisay.

Maxkamadda ICJ waxay Kenya ka diiday dhammaan doodaheedkii ku saabsanaa in calaamadda xuduudka ay noqoto mid barbarro ah oo xariiqa loo qaloociyo dhinaca Barri ee Soomaaliya, sidaasina ay ku hesho xuduudkaas Badda.

Ad

Waxa kaloo Kenya laga diiday jiritanka Heshiis hore oo dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya dhex maray xuduudka badda, kaasoo sheegasheeda taageeraya.

Garsoorayaasha Maxkamada waxay dhammaantood isku raaceen in Xaduuda labada dal laga bilaabayo xariiqinta ku qeexan qaabka Soomaaliya ku dooneysay, iyadoo la raacayo sharuucda caalamiga ah.

Waxay kaloo Garsoorayaasha Maxkamada isku raaceen in xariiqu sidaas ku socodo illaa laga gaarayo xadka Badda ee ah 200 N mile.

- Advertisement -

10 Garsoore ayaa isku raacay in marka la gaaro wixii ka danbeeya xaduuda 200mile gudaha badda, xariiqa xaduudka loo weeciyo hinaca waqooyi ee Soomaaliya illaa laga gaarayo xaduuda Qalfoofka qaarada, halkaaso oo Kenya ku heshay xoogaa xuduud ah. Waxaa go’aankaasi ka hor yimid 4 Garsoore oo uu ku jiray Dr. Cabdiqawi Yusuf oo Soomaali ah.

9 Garsoore oo uu ku jiro guddoonka waxay isku raaceen in xadeynta leynka cusub ee Maxkamada ICJ soo saartay lagu dabakhi doono illaa laga gaarayo xaduuda Qalfoonka Qaarada ee Somaliya iyo Kenya dhaxeysa. Waxaa go’aankan diiday 5 Garsoore oo uu ku jiro Garsoore Dr. Cabdiqawi Yusuf.

5 Garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Soomaaliyeed ee Cabdiqawi Yusuf waxay si buuxda u taageereen doodii Soomaaliya ee ahayd in loo daayo xariiqa Xaduudka qaabka ay hadda tahay ee Soomaaliya dooneysay. Garsoore Cabdiqawi iyo xubnaha kasoo horjeestay in xaduuda wax laga bedalo ayaa qoraal gaar ah soo saaray oo ku lifaaqan xukunka Maxkamadad.

Guud ahaan kiiska waxaa ku guuleystay Soomaaliya, balse qodobada go’aanka maxkamadda ee 4aad iyo 5aad waxay Kenya siiyeenqeyb yar oo kamida xuduud biyoodka ay muranka gelisay.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA MAXKAMADDA OO DOKUMENT AH

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON