Friday, May 23, 2025

AKHRISO: Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii Khamiislaha ahaa kadib markii uu baaqday toddobaadkii hore.

Waxaa kulanka  shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Ad

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka Wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibadda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

- Advertisement -

—-DHAMMAAD—-

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON