Madaxda caalamka ayaa farriimo tacsi ah usoo diraya Qoyska BoqortooyadaIngiriiska, kadib markii uu geeriyooday Prince Philip Ninkii qabay Boqorrada Ingiriiska, isla markaan ahaa Amiirka Edinburgh oo ku dhintay 99 sano jir.
Dadka ka tacsiyadeeyay dhimashada seyga boqoradda Ingiriiska waxaa ka mida Maxamed C/llaahi Farmaajo, madaxweynaha muddo xileedkliisu dhammaaday ee dalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray tacsi degeg ah oo loo diray Qoyska Boqortooyada Ingriiska, isagoo sheegay in Amiirka geerioyooday uu saameyn weyn ku lahaa bulshada Ingiriiska.
“Dowladda iyo shacabka Soomaaliya waxay uga tacsiyadeynayaan shacabka Ingiriiska geeridii ku timid Amiir Philip. Wuxuu u horseeday nolol aan caadi ahayn adeeg wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay bulshada Ingiriiska. Dadka Soomaaliyeed waxay garab taagan yihiin Boqortooyada Ingiriiska oo ah Jaal run ah iyo saaxiib” ayuu farriintiisa tacsida ku yiri Maxamed Farmaajo.
Farmaajo ayaa ka gaabsada inta badan tacsida dadka Soomaalida ee ku dhinta qaraxyada iyo ciidamada ku jira dagaalka Alshabaab oo ay ugu danbeeyeen 14 askari oo ku dhintay weerarro ka dhacay Bariirre iyo Aw-dheegle Sabtidii lasoo dhaafay.