Monday, February 10, 2025

AKHRISO: Farriimaha culus ee Farmaajo ku socday & Bayaankii UN-ka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD

Beesha Caalamka ayaa farriimo culus u dirtay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo bishii labaad ku dhameystay kursiga, isagoo aan sharciyad heysan.

Bayaanka ay si wadajirka ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ku dhex jiray farriimo si toos ah ugu socday Maxamed Farmaajo oo ku saabsan khilaafka ka taagan Doorashada iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay.

Farriimaha ku dhex jiray Bayaanka kala ahaa:

Ad

1- In Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo la dhowrayo Qaranimadiisa, balse qalalaase kasta oo ka dhaca uu halis gelinayo Amniga iyo Xasiloonida Dunida (Xusuusin in Somalia ay joogaan sharciyad ka heysa Golaha Amniga Q/Midoobay).

2- Inuu halis ku jiro horumarkii dowladihii hore ee Soomaaliya gaareen, siiba in xukunka si nabad ah loogu kala wareego. (Farriin ku wajahan Farmaajo).

3- In la qabto Doorashooyin xor iyo xalaal ah, isla markaana aan la aqbali karin doorasho hal dhinac qabto ama muddo kordhin hay’adaha dowladda ee waqtigoodu dhammaaday.

- Advertisement -

4- Iyo in dib loogu noqdo wadahadalkii u socday madaxda dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka Doorashada.

Qoraalka Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD waxaa ka mid ahaa: “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii anba qaadaan horumarka laga sameeyay dowlad-dhisidda, siyaasadda loo dhanyahay, doorashooyinka, si nabad ah xukun iskugu wareejinta, gaar ahaanna ay maanta gaarsiiyaan isbadalka muhiimka u ah umadda Soomaaliyeed ee doorasho ku dhacda si nabad, xor, caddaalad iyo kalsooni leh”.

Bayaankan ugu danbeeyay ayaa ku koobnaa Q/Midoobay iyo urur Goboleedyada waaweyn ee saameynta u leh arrimaha Soomaaliya oo kala ah; Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON