Saturday, April 19, 2025

AKHRISO: Dowladaha Islaamka ee aan maanta laga Soomin iyo dalalka Ramadaanku ka bilowday.

Iyadoo inta badan dunida islaamka oo dhan ay yar tahay in la isku waafaqo maalin qura oo la wada soomo ama la wada ciido ayaa Ramadaanka Sanakan oo ka mid yahay kuwa ugu khilaafka yar, waxaana soona kala bilaabanayaa laba maalmood oo isku xiga, halka markii hore uu saddex maalmood iyo ka badan gaari jiray.

Dalalka uu maanta Ramadaanka ka bilowday ee sida rasmiga ah u shaaciyey, laga soomay waxay kala yihiin: Sacuudiga, Masar, Qatar Luwait, Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Yeman, Jordan, Ciraaq, Falastiin, Lubnaan Siiriya, Suudaan, Liibiya Tunisia, Algeria, Jabuuti, Turkiga Indonesia, Maleysia Brunei.

Dalalka ay Berri oo Talaado ah u bilaabanayo Ramadaanka oo maanta aan soomin waxaa ka mida Cumaan, Comoro, Shiicada Ciraaq, Iiraan, India iyo Pakistan oo qaarkooda ay ku soomaan xiddigis iyo cilmiga Xiddiga, halka qaarka kale ay ku doodeen in bisha Shacbaan ay maanta tahay 30.

Ad

Degaanada aan maanta laga soomin waxaa ka mida magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo maamulka ka jira ee Ahlu suna ay go’aamiyeen inaysan maanta soon ahayn, isla markaana Ramadaanku bilaabanayo Talaadadda 7-da May, iyadoo sidaasi ku khilaafay Soomaaliya inteeda kale iyo dalalka deriska ah.

Jaaliyadaha dunida muslimka sida Mareykanka, Yurub iyo Australia ayaa intooda badan ku xiran oo la sooma Sacuudiga, waxaana dadka ugu badan ee dunida Muslimka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON