Dalal badan oo islaam ah ayaa ku dhawaaqay in maalinta berito oo Isniin ah ay tahay maalintii koowaad ee Bisha Ramadaan iyadoo laga arkay bisha dalal badan.
Dalalka ilaa iyo hadda ku dhawaaqay in Ramadaanka uu bilaabanayo Isniinta waxay kala yihiin:
- Sacuudiga
- Ciraaq
- Turkiga
- Maleysia
- Indonesia
- Imaaraadka Carabta
- Jordan
- Falastiin
Waxaa kaloo berito soomaya muslimiinta dalalka Raashiya, Japan iyo Koonfurta Kuuriya.
Sacuudiga ayaa laga arkay bisha gobollo fara badan, waxaa sidoo kale la shaaciyay in dalal dhowr ah sida Indonesia iyo Maleysia ay bisha raadraaceen dhalashadeedii.
Dalal dhowr ah oo kale ayaa la sugayaa inay ku dhawaaqaan saacaha soo socda in Berito ay tahay Soon. Magaalooyin ka mida Soomaaliya ayaa bisha laha arkay waxaana dowladda Federaalka ay ku dhawaaqi doontaa dhowaan sida la filayo.
Dalka Marooko ayaa isagu Ramadaanka u bilaaban doonaa Talaadada iyagoo adeegsada xisaabta falakiga ah, halka Iiraan iyaduna ay qaab kale soonka ku saleyso.
Goobjooge.com