Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa maanta maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyey dacwada 36 eedaysane Ajaaniib ah oo lagu soo qabtay Xeebaha Soomaaliya, iyagoo wata Laba Doon oo kalluumeysi sharc darro ah.
Waxaa lagu soo eedeeyay Qoddobka 71-aad XHCS, oo ku sabasan ka Ganacsiga kalluumaysiga sharci daradda ah iyo in ay ku xadgudbeen biyaha dowladda Soomaliya ,ciidanka badda ayaa gacanta ku dhigay eeedaysanayaashan xili ay faraha kula jireen kalluumaysi sharci darro ah.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada ka codsaday in la soo muddeeyo dhegaysiga dacwadooda isagoo sidoo kalena xafiisku uga digay cidkasta oo isku dayda in ay ku xad gudubto biyaha badda Soomaliya.
Xeer ilaalinta wuxuu bogaadisay ciidanka badda Soomaaliyeed ee u taagan la dagaalanka iyo ka hortagga kalluumaysiga sharciga baal marsan iyo horkeenidda caddaalada cidkasta oo ku xad gudubta biyaha Soomaaliya.