Maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaa xabsiga dhigay weriye ka howlgala magaaladaasi oo ay ku eedeeyeen inuu aflagaadeeyay madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Axmed Shaakir.
Weriye C/llaahi Warsame Rooble oo Gobolka Galgaduud uga soo warrama Radiyo Kulmiye oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayay xabsiga dhigeen ciidamada Anlu suna ee magaalada Dhuusamareeb.
Wararka laga helayo saraakiisha Ahlu suna ayaa sheegaya in weriyaha loo heysto aflagaado uu u geystay madaxweynaha Ahlu suna, iyadoo aan la faahfaahin. Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijisay xariga weriye C/llaahi Warsame.
Xiriirka warbaahinta iyo maamulka Ahlu sunna ayaa ahaa mid liita tan iyo intii ay kooxdaasi soo if baxday, waxaana loogu baaqay inay shuruud la’aan sii deyso weriyaha.
Goobjooge.com