Sunday, May 25, 2025

Ahlu suna oo Xabsiga dhigtay weriyihii Warbaahinta Dowladda ee Magaalada Dhuusamareeb

Maamulka Ahlu suna ayaa xabsiga u taxaabay weriyihii Warbaahinta dowladda Soomaaliya ee magaalada Dhuusmareeb.

Ciidamada Ahlu suna ayaa xiray Cusmaan Maxamed Aadan oo ahaa weriyaha Telefishinka Qaranka oo maalintii Saddexaad u xiran Maamulka Ahlusunna, wuxuuna ahaa wakiil wareedka SNTV ee Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya Weriyaha hore ugu eedeysay inuu baahiyay warar aysan raali ka ahayn oo wax u dhimaya amniga maamulkaasi, waxaana xariga cusub lagu sheegay inuu salka ku hayo Qoraal uu aragtidiisa ku cabiray oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook, xili uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ad

Maamulka ahlu suna ayaa ku caan baxday xayiraadda iyo caburinta saxafiyiinta ka howlgala degaanada ay ka taliso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON