Friday, March 14, 2025

Ahlu-Suna oo laga saaray Dhuusamareeb, kadib Dagaal 10 Saacadood qaatay iyo Qasaaraha..

Maleeshiyada Ahlu-suna ayaa laga saaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadad Galmudug, kadib dagaal socday muddo 10 saacadood ah.

Dagaalka ayaa bilowday saaka aroortii, markii maleeshiyada Ahlu suna oo xalay gashay xaafadaha magaalada, kadibna ay saaka ku dhowaadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Qasaare kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ah ayaa ka dhacay magaalada, waxaana madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xaafadaha oo dadkii deganaa ay ka bara kaceen.

Ad

Ahlu suna ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo dhowaaday magaalada Dhuusmareeb, iyagoo kasoo ruquaansaday xaruntooda degaanka Bohol, waxaana laga war hayey inay weerar u abaabulayaan magaalada Dhuusmareeb, balse ma dhicin in laga hortago duulaankooda.

Xaalada magaalada ayaa kacsan, waxaana ka baxay dadkii ugu badnaa ee shacabka, iyadoo arrintan ay dhabarjab ku tahay Madaxda Galmudug ee ku sugan Muqdisho oo ciidamadooda difaaci waayeen caasimadii maamulka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON