Wararka laga helayo magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in Agaamisimihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka dalkaasi uu xilkii iska casilay.
Madaxweynaha golaha sare ee talada dalka Suudaan la wareegay C/fatax Burhan ayaa aqbalay istiqaaladda uu u gudbiyey Saalah Goosh oo ahaa agaasimihii Sirdoonka dalkaasi oo dad badan ka horjeedaan laguna xanto inuu xiriir la lahaa Sirdoonnada Imaaraadka, Israa’iil iyo Sacuudiga.
Saalah Gosh ayaa ah nin si weyn la isugu khilaafay, iyadoo madaxweynihii hore Cumar Albashiir uu mar ku eedeeyay inuu abaabulay inqilaab isaga ka dhan ah, balse markii danbe waxaa haddana loo magacaabay xilka sirdoonka.
Ururrada bulshada iyo Xisbiyada siyaasadda Suudaan ayaa dalbaday in ninkan xilka laga qaado iyagoo ku eedeeyay inuu qeyb ka ahaa saraakiishii dishay dadkii bannaanbaxa uga horjeeday madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Albashiir.