Friday, March 28, 2025

Agaasimeyaashii Hay’adda Socdaalka oo lagu eedeeyay Lunsashada Malaayiin Dollar

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u bilowday Maxkamadeynta Dacwad loo haysto mas’uuliyiin caan ah iyo Saraakiil ku Eedaysan Musuqmaasuq oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa Maxkamadda maanta laga akhriyay eedaha Xafiiska Xeer Ilaalinta kusoo oogay 15 Qof oo ay ka mid yihiin: Agaasimeyaashii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Koofi ayaa ku eedeysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey, halka Cabdulqaadir Cilmi lagu soo oogay ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis Dowladdeed, isagoo ka qeyb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar.

Ad

Eedeysanayaasha kale ee iyagoo maqan eedahooda laga akhriyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mida Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabeey) oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

12-ka Eedeysanayaasha ee kale oo dhammaantood maqanayaal ah, marka laga reebo hal eedeysane ayaa lagu oogay denbiyo isku mida oo ah: Lunsasho Xoolo Dadweyne iyo qodobo kale.

Qareenada difaacaya 3 ka mida eedeysanayaasha ayaa is hortaagay Eedeynta Maxkamadda, waxayna sheegeen in xubnahaasi oo uu ka mid yahay Maxamed Aadan Koofi ay yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda NISA, ayna tahay in dacwadooda lagu qaado Maxkamad Ciidan.

- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa fadhigiii maanta soo gabagabeysay iyadoo go’aan ka gaari doonta is-hortaagga Qareenada fadhiga soo socda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON