Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa tegay degaan saaka laga xoreeyay Alshabaab oo ka tiran Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.
Masuuliyiintan ayaa aagga hore ee dagaalka u tegay dhiirigelinta Ciidamada dowladda iyo kuwa Shacabka ee dagaalka ka wada degaanada Bariga Galgaduud, iyagoo ku dhawaaqay in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Alshabaab.