Saturday, January 25, 2025

Agaasime Guud oo lagu soo eedeeyay Musuqmaasuq, lagana joojiyay inuu Dalka ka safro

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu soo eedeeyay inuu galay musuqmaasuq, waxaana lagu soo rogay xayiraad ah inuusan dalka ka bixi karin.

Sida uu caddeyneyo qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay Amar xayiraad safar ksoo rogay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Bashiir Macallin Cali Xasan, markii lagu gelay Lacag deeq ah oo uu akoon kasoo wareejiyay.

Qoraalka maxkamaduu ayaa lagu sheegtay inuu codsigan uga yimid Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo baaris ku haya agaasime Bashiir Macalin oo ka mid ahaa xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD, xilkana ku helay qaabkaasi.

Ad

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Lacagta loo heysto inuu wareegsaday Agaasimahan loo haysto musuq-maasuqa ayaa ah Deeq lacageed oo ka timid dowladda Shiinaha, waxaana la hayaa dhammaan qoraaladii uu lacagtaasi ku maamulay iyo inuu doonayay inuu dalka ka baxo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON