Agaasime cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta xilka la wareegay, kadib markii uu si degega shaqadaasi uga tegay agaasimihii hore Xasan Maxamed Siciid oo eedeyn u jeediyey Wasiirka Wasaaradda.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Xilka u kala wareejiyay sii-hayaha xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Agaasimaha cusub Jaamac Cabdirisaaq Xirsi Indhabuur, iyadoo aanu xaadir ahayn gaasimihii hore (Halkan ka Akhriso Qoraalkiisa).
Hore looma shaacin magacaabista Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashanadhigga oo ay isku beel yihiin agaasimihii hore, waxayse qeyb ka tahay magacaabista iyo xil ka qaadista agaasimeyaasha Wasaaradaha xukuumadda federaalka oo xowli ku socda xilligan.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasime waaxeedyada wasaaradda difaaca dalka.
