Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji ayaa maanta la wareegay xilka loo magacaabay Bishii hore.
Fahad Yaasiin dalka uga maqnaa arrimo la xiriira xilkii uu hore uga hayay Telefishanka Aljazeera, waxaana dib ugu soo laabtay shalay caasimada Soomaaliya.
Xil la wareegidda Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ayaa ahayd mid si shaqo ahaana udhacday, iyadoo aanu goobta ku sugneyn agaasimihii hore Abuukar Baalle, waxaana uu si rasmi ah u guda galay shaqadiisa cusub.
Magacaabidda Fahad ayaa ku soo beegantay xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka oogan tahay dalalka Khaliijka, kadib markii ay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dalka Qatar, isla markaana go’doomin ku soo rogeen, waxayna Soomaaliya qaadatay mowqif dhexdhexaad ah oo saameyntiisa uu leeyahay Fahad Yaasiin.
Dad badan ayaa aaminsan in Fahad Yaasiin uu Farmaajo ugu jiro booskii Faarax Sheekh C/qaadir ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh, kaasoo markii dambe keenay fashil ku dhacay qorshihii dib u doorasho ee Xasan Sheekh.
Goobjooge