Friday, December 8, 2023

Afhayeenkii Farmaajo oo isu sharxay Kursigii laga xayiray Fahad Yaasiin iyo Arrin uu caddeeyay

Afhayeenkii Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, soona noqday agaasime ku xigeenka Madaxtooyada maamulkaasi ayaa isu sharxay kursiga xildhibaan ee Golaha Shacabka, kaasoo laga xayiray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada ayuu C/nuur Maxamed Axmed kusoo bandhigay inuu u taagan yahay kursiga Hope#086, isagoo beeshiisa ka codsaday inay kursigaasi u doortaan si uu ugu metelo Baarlamaanka Federaalka.

C/nuur ayaa caddeeyay inuu daacad u ahaa Madaxweyne Maxamed C/llaahu Farmaajo, ayna sharaf u ahayd in isaga iyo Fahad Yaasiin ay noqdeen labadii qof ee ku haray habeenkii Doorashada looga adkaaday.

Ad

Daacadmimada Farmaajo ayuu sheegay Musharax C/nuur Maxamed inay tahay arrin ay wadagaan siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo oo aanu jirin qof ka mida oo khiyaantay cidda la shaqeeyaan ama nidaamka ay ku jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Kursiga HOP#86 ayaa muran xoog leh dhaliyay, waxaana Guddigii Doorashada uu ka dhigay sharci darro, markii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, waxaana hadda u sharxan ilaa 3 Musharax.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON