Afhayeenka Madaxtooyada Soomaliya ayaa raaligalin ‘lama filaan ah’ ka bixiyay war uu horey u sheegay oo ku saabsanaa inuusn Madaxweynaha Soomaliya Arrinta Webiga Nile ee kala hadlin Madaxweynaha Masar.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada C/kariin Cali Kaar oo ku qornaa ‘Ingiriis’, kaasoo sida muuqata lagu raali gelinayo dalka Masar ayuu 4 maalmood ka dib shirkaasi jaraa’id soo saaray maanta isagoo raaligelin bixinaya.
“Waxaan ka cudur daaranayaa run ahaantii inaan si khaldan u fahmay oo si khaldan la ii so xigtay faahfaahintii aan ka bixiyay hadalkii uu Madaxweynaha Masar Alsisi ka sheegay shirkii jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kana dhacay Qasriga Al-tixaadiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu afhayeenku qoraalka ku sheegay in labada madaxweyne ay mabda’ ahaan wadahadalkooda kusoo qaadeen in dhammaan khilaafaadka Gobolka ka jira lagu xaliyo si wadajir iyo nabad ah.
Qaar ka mida dadka baraha bulshada ayaa arrintan u arkay inay caddeyn u tahay khaladaadka sii xoogeysanaya ee kooxda warfaafinta madaxtooyada iyo heerka uu gaarasiisan yahay cadaadiska ka imaanaya dowladda masar.

