Afhayeenka guud ee ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ku dhaartay inay si weyn u kordhin doonaan weerarada iyo qaraxyada is-miidaaminta ah ee ay la beegsanayaan saldhigyada ciidamada AMISOM.
Afhayeenka Alshabaab oo war kasoo saaray weerarkii Buulomareer oo tiro badan looga dilay Alshabaab farriin hanjabaad ah u diray AMISOM, isgoo ku goodiyey in saacad kasta ay fishaan qaraxyo Is-miidaamin ah iyo weeraro toos ah, ayna hayaan wiilal diyaar ah inay naftooda huraan.
“Ma dhici doonto inaad ku raaxeysataan dhulkeena oo aad ku ledaan, waxaad naga fishaan saacad kasta mid is-qarxiya iyo mid orod dagaal ah ku soo gala xeradiina, waqtiga aad rabtiin qabsada, anaga dhulkeena ayaan joognaa idinkoo duleysan ayaan dalka ka bixi doontaan.” Ayuu farriintiisa ku yiri Sheekh Cali Dheere oo faafhaahin ka bixiyey qasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Buulomareer.
Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii Buulomareer ay ku dileen 59 askari oo ka tirsan AMISOM, halka dhinaceeda ay sheegtay inay ka dhinteen 14; balse AMISOM ayaa tirada askarta ka dhimatay ka dhigtay 4 askari.