Thursday, November 30, 2023

Afhayeenka Alshabaab Sh. Cali Dheere oo Wareysi yaab leh bixiyay iyo Weriyihii oo is qariyay

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa wareysi aan hore loo arag bixiyay, isagoo lagu wareystay mid ka mida warbaahinta taageerta Alshabaab ee ka howl gasha degaanada ay ka taliso.

Wareysiga oo qeybtii koowaad la baahiyey ayaa arrimaha la-yaabka leh ee ku jira waxaa ka mida: Inuu wareysiga qaaday qof ama Weriye la qariyey wejigiisa si aan loo aqoonsan, halka mas’uulka la wareysanayo uu muuqdo.

Arrinta kale ee aan warbaahinta Alshabaab looga baran ee wareysiga Sheekh Cali Dheere ku jirtay ayaa ah in la weydiinayo su’aalo ku saabsan arrimaha Alshabaab lagu eedeeyo iyo in qofka wareysiga qaadaya ee is qariyay uu ku celcelinayo magaca: Dowladda Federaalka oo Alshabaab u taqaan ‘Dowladda riddadda’

Ad

Arrinta kale ee wareysigaasi laga diiwaan geliyay waxaa ka mida Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere isku muujinayo inay dhowrayaan xoriyadda saxaafadda, iyadoo la ogyahay inay kooxdani dishay weriyeyaal badan iyo madaxdii Warbaahinta Muqdisho, isla markaana ay qaadatay Qalabkii ay ku shaqeyn jireen qaar badan oo ka mida Idaacadihii ka howlgeli jiray caasimadda Muqdisho.

Wareysiga Sheekh Cali Dheere ayaa lagu soo beegay xilli ay Alshabaab wajahayso dagaal culus iyo kacdoonka beelaha Gobollada Dhexe iyo ciidamada dowladda Federaalka, waxaana wareysiga ka dhacay sida muuqata goob ay Alshabaab isugu keentay culimadooda oo dhowaan laga soo saaray go’aano ku saabsan dagaalka cusub ee dowladda Federaalka ku qaaday Alshabaab.

Degaanada Alshabaab waxaa ka jira idaacadda hoostagta ee Al-andalus iyo idaacadda kale ee Al-furqaan ee taageerta oo wareysigan qaadeysa, sida la sheegay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON