Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladda dalka Ruushka kadib xiisadka dhex taagan Taliyeyaasha ciidamada Ruushka iyo Madaxa kooxda hubeysan ee Wagner oo ah ciidamo si gaara u tababarran oo dowladda Ruushka raacsan.
Talyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa si lama filaan ah u shaaciyay inay ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka, isagoo uu ku eedeeyay inay weerar ku qaadeen ciidankiisa, ayna duqeeyeen, isagoo soo bandhigay sawirro duqeynta iyo ciidamo laga dilay.
Magaalada Rostov ayaa la sheegay inay galeen ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, wuxuuna hoggaaminaya kooxdan shaaciyay inuu burburin doono ciddii ka hor timaada.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa beenisay inay weerar ku qaaday ciidamada Kooxda Wagner, waxayna caddeeyeen inay kooxdaasi wado falaagenimo, laguna soo oogay dacwad ka dha ah, iyadoo caasimadda Ruushka ee Moscow lagu arkay ciidamo badan oo wadooyinka lasoo dhigay.
Kooxda Wagner oo ah ciidamo si gaara u abaabulan oo Ruushku dhisay, isla markaana u adeegsado dalal badan ayaa Taliyahooda hadda u muuqdaa inuu ka hor yimid hoggaanka Ruushka, iyadoo aan la ogeyn in arrintan ku kooban tahay madaxa Wagner iyo in kale.
Warbaahinta reer Galbeedka ayaa si weyn u baahineysa dhacdooyinkan, halka Ruushka oo hoos udhigay arrintan kuna soo koobay hoggaamiyaha kooxda Wagner.
Kooxda Wagner ayaa ka dagaalantay dalka Ukraine iyadoo garab siineysa ciidamada Ruushka, waxaana qasaare weyn kasoo gaaray dagaalka, halka ay ku lug leedahay dalal badan oo colaado ka jiraan caalamka.