Xaaladda dalka Suudaan ayaa saaka gashay marxalad cusub, kadib markii saaka la xiray madaxda xukuumadii rayidka ahayd ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisal wasaarihii dalkaasi Cabdalla Xamduuk.
Xaaladda ayaa kacsna, waxaana socda bannaanbaxyo ay dhigayaan dadweynaha kala qeybsan ee dalkaasi oo lagu diidan yahay afgembiga ka socda dalka Suudaan, waxaana dadweynaha diidan inqilaabka ay dhoobteen wadooyinka, iyagoo gubaya Shaagagga baabuurta, isla markaana dhagaxyo ku xireen wadooyinka.
Ciidamada afgembiga wada ayaa xabsiga Guri geliyey Ra’iisal wasaare Xamduuk, wasiirada iyo xubnaha rayidka ah ee Golaha hoggaanka dalkaasi, waxaana ciidamo ay qabsadeen xarunta Telefishanka iyo Idaacadda, waxay kaloo ciidamada ku sugan yihiin dhammaan xarumaha dowladda.
Waxaa la jaray isgaarsiinta, waxaana ciriiri galay Internetka dalkaasi, iyadoo weli aanu soo bixin war rasmi ah oo ku saabsan afgembiga ka dhacay dalkaasi, iyadoo idaacadda iyo telefishanka ay ka socdaan heeso wadani ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Gurigiisa iyo Xabsiga ku geliyey Ra’iisal Wasaaraha Cabdalla Xamduuk magaalada Khatroum, waxayna ka dalbadeen inuu soo saaro War uu ku taageerayo Inqilaabka ciidamada, balse markii uu diiday ayey u kaxeysteen meel aan la garaneynin. waxaan farriin uu si hoose u soo diray uu dadka Suudaan uga dalbaday inay wadooyinka isugu soo baxaan oo ay difaacdaan kacdoonkooda.
Ujeedka ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay inay meesha ka saaraan xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Cabdalla Xamduuk oo ku dhisan awood qeybsi xisbiyada dalkaasi oo ay soo dhisaan Xukuumadda aqoonyahano hoggaaminayaan si ay u dhameystiro xilliga KMG ah.
Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, iyadoo aanu jirin war cad oo kasoo baxay ciidamada afgembiga wada iyo golihii hoggaaminta dalkaasi, waxaana warka kaliya ee soo baxay soo saaray wasaaradda warfaafinta Suudaan oo ku qoreysa Bogga ay ku leedahay Facebook.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Telefishanka Sudan uu shaaciyey Bayaan muhiim ah oo uu jeedin doono hoggaamiyaha Golaha Milateriga ah ee dalkaasi Jen. Cabdifatah Burhan.
