Wednesday, February 19, 2025

Afar Wiil isku Qoys ah oo ku dhintay Daar kusoo duntay Magaalada Muqdisho

Afar caruur ah oo wiilal ahaa ayaa dhintay Xalay saqdii dhexe kadib, markii uu ay kusoo duntay Daar ay degaanyeen, degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Wiilashan ayaa ku jiray mid ka mida qolalka Daar aad qadiimi u ah oo loo yaqaan Sarta Shilinka, taasoo mar loo isticmaali jiray hagista maraakiibta Xeebta Banaadir, waxaana Aabaha caruurtaasi uu sheegay in isaga iyo qaar kale oo ka mida qoyskiisa ay ka badbaadeen burburta Daarta.

Afarta ayaa kala ahaa wiilal ay da’doodu u dhaxeysay 15 sano ilaa 10 jir, waxaana meydadkooda laga soo saaray burburka goobtii ay jiifeen oo ahayd barxadda dhismaha oo jingad ugad dhisneyd, iyadoo dhacdadan ay ahayd tii ugu xumeyd ee caruur intaas la eg ay ku geeriyooto.

Ad

Aabaha dhalay caruurtaasi Cabdi Maxamed Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in musiibada ku dhacday uu ku sabrayo, Sartaasina uu u degay inuusan awoodin Guri Kiro ah, haddana ay u hareen ilaa 7 kale oo caruur ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dhibaatada ka dhacday degmada Shangaani ee caruurtani ku dhimatay, iyadoo burburka Guryaha qadiimka ah uu ku badan yahay degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON