Wednesday, February 12, 2025

Afar Kiis oo Farmaajo laga rabo inuu Xisaab-xiro inta aanu ka tegin Villa Somaliya (Xasaasi)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Isniinta 23-ka bishan May 2022 ka degaya xilka, kana tegaya Villa Somaliya oo uu ku noolaa 5 sano iyo 3 Bilood.

Intii uu Farmaajo xilka hayey wuxuu dalka ku hoggaamiyey qaab cusub, iyadoo dowladiisa ay abuurtay kala qeybsanaan, dagaal ay la gashay maamul Goboleedyada, xaaladii Amniga oo ka sii dartay, Alshabaab oo xoogeysatay iyo kiisas waaweyn oo lagu tuhmay hay’adaha dowladda.

Dhaawacyada dowladnimada gaaray xilligii Farmaajo waxaa ugu xanuun badnaa in Hay’addii Sirdoonka Qaranka lagu tuhmo inay la shaqeyso Alshabaab, iyadoo uu baxay halheyska caanka: “SHAKI MA LEH INAY LABA SHABAAB WADA SHAQEEYAAN”. Waxayna NISA oo noqotay hay’ad uu madaxweyne Farmaajo shaqsi ahaan u leeyahay, una maamulo saaxiibkiisa ku lug yeelatay kiis kasta oo halis ku ahaa dowladnimada.

Ad

Farmaajo inta uusan Villa Somaliya ka tegin Berri, waxaa waajib ku ah inuu xisaabo xir iyo caddeyn ku sameeyo, feylashoodana ku wareejiyo madaxweynaha cusub afar kiis oo muhiim ah, kuwaas oo ka mida arrimaha ugu waaweyn ee ay dalka ka gashay dowladiisa , balse aanay shacabka usoo bandhigin; waxayna kala yihiin:

1- ASKARTA KU MAQAN ERITREA

Dhalinyarrada askarta ah ku maqan dalka Eritrea iyo kiiskooda waa mid ka mida kiisaska Farmaajo looga fadhiyo inuu xogtooda ku wareejiyo Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lasoo gabagabeeyo kiiska kumanaanka dhalinyaro ee eheladooda ku la’ yihiin nolol iyo Geeri.

- Advertisement -

Farmaajo marna iskuma dayin inuu dadka soo hor istaago oo arrintan u sharxo, kumana guuleysan inuu waalidiinta jidka u taagnaa wiilashooda maqan la hadlo, balse wuxuu muddo 3 sano ah ka gaabsaday inuu kiiskan xasaasiga ah.

2- HESHIISKA SHIDAALKA

Xilligii kala guurka waxaa dalka Turkiga lagu saxiixay heshiis Shidaal oo hais ah, kaasoo wasiirkii Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed uu sheegay inuu la ogaa, howshaasna u diray Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo Farmaajo dafiray, iskana fogeeyay kiiska Heshiiska Soomaaliya ka gashay Shirkadda Mareykanka ee shirkadda Coastline Exporations, waxaa hadda Farmaajo laga rabaa in Feylka Heshiiska uu ku wareejiyo Madaxweynaha cusub, si kiiska yaalla Xeer ilaalinta iyo dacwadda socota meel cad looga soo haro, loona ogaado cidda Soomaaliya gelisay halistaas la xiriirta kheyraadkeeda.

- Advertisement -

3- KIISASKA KHAARIJINTA EE LOO HEYSTO HAY’ADDA NISA

Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. C/raxmaan Yariisow, Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee Madaxda Hay’adii NISA lagu tuhunsan yahay iyo Qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, waxay ka mid yihiin xadgudubyada waaweyn ee lagu eedeeyo inay dowladii Farmaajo ku lug lahayd.

Kiisaskan waxay soo hoos gelayaan dib u habeynta Hayadda NISA oo laga leexiyey shaqadii loo dhisay xiligii Farmaajo, waxaase muhiim ah in feylasha kiisaskan waaweyn uu wareejiyo Farmaajo, si dowladda cusub ay u daba gasho baaritaan rasmi ahna loogu sameeyo, shacabkuba u ogaadaan xaqiiqada wixii dhacay.

Lama dhayalsan karo in Ra’isal wasaarihii dalka ee xilka hayey Maxamed Xuseen Rooble uu isku xiro laba kiis ee Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamina Cabdi, si toos ahna ugu tuhmo kooxdii Farmaajo ee hoggaanka Hay’adda NISA.

4- KOOXDA ABAABULAN EE CBB

Arrimaha laga dhaxlay xukunkii Farmaajo waxaa ka mida kooxo abaabulan oo qurbejoog u badań, kuwaas oo daacad u ah Farmaajo, laguna abuuray fikrado wadaniyad dhalanteede ah, kala qeybin bulsho, aflagaado iyo weerarka cid kasta oo ka horjeeda.

Kooxahan oo si toos ah looga maamulayey Villa Somaliya waxaa la rumeysan yahay in loo qoray mushaar si ay shaqsiyadda Farmaajo u buunbuuniyaan, ugana caawiyaan inay khaldaan bulshada; waxayna doorashadii 15 May 2022, kadib lasoo baxeen halis ah inay isu bedelaan dembiilayaal ku baaqaya in la dilo madaxweynaha cusub, la qarxiyo ama la gubo caasimadda iyo iwm.

Farmaajo waa inuu kooxdan jiheeyaa oo mas’uuliyadiisa qaataa ama ugu yaraan falalkooda gurracan iska fogeeyaa, inta aanu xilka wareejin, waana in Madaxtooyada Soomaaliya ay feylkooda ku wareejiyo madaxda cusub ee Villa Somalią.

GABAGABO

Waxaa jira kiisas badan oo dowladii Farmaajo u furan iyo tacadiyo ay magaca dowladda ku geysatay, laakiin qaarkood la xaliyey, halka qaar kale iskood isu xaliyeen iyo kuwa sugaya in la xaliyo; waxaan ka mida dhiibistii Qalbi-dhagax, Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Qorshihii dalka Qatar ee Somaliya, Dadkii lagu laayey Baydhaba, Kiiska Xariga Sheekh Mukhtaar Roobow, Lacagtii laga qabtay Imaaraadka, Qaadka loo xiray Itoobiya iyo arrrimo kale, waxaana inta badan ku filan in lagu saxo isbedelka hoggaan ee dalka ka dhacay.

U GAARA GOOBJOOGE.NET

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON