Hoggaamiyihii Aqbaliyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa laga xayuubiyey xilkii, kadib kulan uu guddoomiyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo ay yeesheen Xisbiga talada haya ee dalka Kenya.
Aadan Ducaale waxaa lag bedelay oo xilkiisii la wareegay Amos Kimunya, iyadoo isbedel lagu sameeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isu diyaarinaya Doorashada soo socta ee dalkaasi, markii ay kala tageen madaxweyne ku xigeenkiisa Willaim Rutu.
Adan Keynaan oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri ayaa loo magacaabay xoghayaha Isbaheysiga talada dalka Kenya haya ee Jubillee. Aadan Barre ayaa ahaa siyaasi Soomaali ah oo lagu tilmaami jiray ninka saddexaad ee ugu awoodda badan dalka Kenya, waxaana si weyn uga hor yimid xubnaha xisbiga uu ka tirsanaa oo mooshin ka gudbiyey, waxayna sheegeen inay albaabka tusi doonaan.

Kulanka uu guddoomiyey Madaxweyne Uhuru ayaa qeyb ka ah loolanka adag ee ka dhex taagan isaga iyo ku xigeenkiisa, waxaana Kenya ka socda isku shaandheyn iyo abuurista isbaheysiyo cusub.