Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen Eheladiisa.
Abwaanka oo caan ka ahaa dhulka Soomaalida, wuxuu ahaa hab-abuur ay naadir tahay in laga helao Soomaalida, wuxuuna muddooyinkii danbe ku noolaa magaalda Burco, isagoo ay soo wajahday xaalad dhinac xususuta ah.
Allaha u Naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa ku geeriyooday magaalda Hargeysa, iyadoo ay da’diisu ahayd 79 sano jir.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare, mas’uuliyiin badan iyo madaxweynaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyadeedyay geerida Abwaan Hadraawi.
Marxuum Maxamed Ibtahim Hadraawi ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna isagoo yar uu aaday dalka Yemen oo uu ku sugnaa ilaa xornimadii, markaasi oo uu usoo wareegay Muqdisho.
Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo, heesta Beledweyne iyo Nebi Ammaanka Ergadii Furqaan. Wuxuu leeyahay gabayo, heesto murti aan la qiyaasi karin oo uu umadda Soomaalida uga tegay, Allaha u naxariisto.
