Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa socdaal rasmi ah ku tegay dalka Turkiga, isagoo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Rajeb Teyyib Erdogan.
Abiy Ahmed oo isla xalay dib ugu laabtay dalkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinayo dowladda Turkiga, wuxuuna farriin uu dhigay bartiisa ku sheegay in saaxiibka lagu garto waqtiga xaaladda halista ah iyo baahida ay jirto.
Shir jaraa’id oo ah wada qabteen Madaxweyne Erdogan iyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in labada dal ay gaareen heshiisyo milateri, ganacsi iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Turkgia wuxuu sheegay inuu taageersan yahay midnimada dhuleed iyo Qaranimada dalka Itoobiya iyo xal laga gaaro dhibaatadda iyo colaadda ka taagan Gobolka Tigray.
Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Itoobiya ay mareyso xaalad halis ah, taasina haddii ay si socoto dhibaato kasoo gaari doonto dhammaan dalalka Gobolka, wuxuuna ku yaboobay inuu dhexdhexaadinayo dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo muran dhinac xuduudda ah u dhaxeeyo.
“Waad ku mahadsan tahay Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan, sida diiran oo aan maanta aniga iyo weftigayga ugu qaabishay Turkiga. Heshiisyada aan saxiixnay waa xoojinta xiriirkeena. Waxaan u mahadcelinayaa taageerada Turkiga ee eItoobiya iyo sii wadidda horumarka iyo xasilloonida.” ayuu farriin mahadcelin ah ku yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Itoobiya ayaa cadaadis kala kulantay dowladaha Reer Galbeedka, siiba Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyadoo Abiy Ahmed lagu eedeeyay dagaalkii uu ku qaaday Gobolka Tigray oo dhaliyey colaad iyo dembiyo dagaal, waxaana uu hadda u jeestay dhinaca dalka Turkiga.
