Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu qasbay inuu ka hadlo heshiiska xiisadda abuuray ee uu la galay Madaxweynaha Maamulka la baxay Somaliland ee ku saabsan in Itoobiya ay Mari Bad iyo saldhig ka hesho Badda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo lagu baahiyay Barta X (Ex. Twitter) ayaa kagu beeniyey inay Itoobiya ka ka noqotay Is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.
“Xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxay dadweynaha kula talineysaa inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo internetka ee ku saabsan is-afgaradka Somaliland. Xiriirka rasmiga ah ee arrimaha gudaha, gobolka, iyo caalamka waxa kaliya oo ay mari doonaan Boggaga rasmiga ah ee Ra’iisal Wasaaraha. Ka digtoonoda wararka been abuurka ah ee sida khaldan u isticmaalaya summadayada rasmiga ah.” ayaa lagu yiri qoraalka uu Abiy Ahmed ku beeniyay warqadda lagu baahiyay Baraha Bulshada.
Warka kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa yimid kadib markii Baraha bulshada si weyn loogu baahiyay in Itoobuya ay dib uga laabatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland, waxaan qoraalka Abiy Ahmed uu ku sheegay in warka rasmiga ah kaliya lagu baahinayo bogga rasmiga ah ee xaafiiskiisa.
Tallaabada uu qaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa caddeyn u ah inuu weli ku taagan yahay is-afgaradka uu la galay Somaliland, xilli ay socdaan dadaallo dowladda Turkiga wado oo ku saabsan wadahadal dhex mara Somaliya iyo Itoobiya.
