Friday, March 28, 2025

Abiy Ahmed oo ka hadlay Dabkii qabsaday Suuqa Hargeysa iyo Muuse Biixi oo jawaab u diray

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa farriin garab istaag ah u diray dadka Somaliland iyo shacabka Hargeysa ee uu saameeyay Dabkii weynaa ee xalay baab’iyey qeybo ka mida suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Farriin uu Af-Soomaali ku soo qoray Bartiisa Facebook soo dhigay Abiy Ahmed isagoo yiri: “Waxaan aad uga naxay, kana tiiraanyooday dabka ka kacay Suuq-weynaha badhtamaha Hargeysa, kaas oo khasaare ballaadhan u geystay hantidii Shacabka. Hadda lama qiyaasi karo Khasaarahaas”

Qoraalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Waxaannu Shacabka Somaliland La qaybsanaynaa murugada dhibkaas ku yimid. Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu Khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno Bisha barakaysan ee Ramadaan. Eebbe ayaa inna leh, xaggiisana weynu ku-noqonayaa”.

Ad

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo jawaab iyo mahadcelin degdega u diray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa isna qoraal kooban ku yiri: “Mahadsanid mudane Ra’iisal Wasaare, waxa aan kaaga mahad-celinayaa adiga, shacabka iyo dowladda Itoobiya sida wanaagsan ee walaaltinimada leh ee aad noogu soo gurmateen wakthigan adag. Shacabka jamhuuriyadda Somaliland wey xasuusnaan doonaan garab istaagiinnan”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON