Wednesday, May 21, 2025

Abiy Ahmed oo Guul ka sheegtay dagaalka iyo magaalooyin uu dib uga qabsaday Jabhadda Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘cadawgiisa laga adkaaday’, wuxuuna ballan qaaday in ay dib u qabsan doonaan dhulka gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Tigreega.

Muuqaalo laga soo duubay furint hore ee dagaalkaa oo laga sii daayay Telefishinka Fana ee ay dowladda leedahay ayaa muujinaya Abiy oo xiran qalabka militariga, qeybna ka ah dagaalka ay ciidamada dowladda Itoobiya kula jiraan TPLF.

“Taliska Bari wuxuu gaaray guul aan la qiyaasi karin hal maalin oo qorshe ah iyo dagaal qaatay maalin iyo bar,” ayuu yiri Abiy oo intaa ku daray “Waan sii wadi doonnaa guulahaas aan ka gaarnay jiidda hore”

Warbaahinta dowladda ee Fana ayaa sheegay in uu la hadlayay ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow magaalada Gashena ee gobolka Axmaarada.

Ad

Degaanada ciidmada Itoobiya ay dib u qabsadeen ayaa kal aah: Shewa, Mezezo, Molale, Shewa Robit, Rasa iyo nawaaxigeeda, waxayn ila 220 KM u jiran magaalada Addis ababa.

“Cadowga waa la jebiyay, howsha inoo harsanna waa inaan cadowga saarno oo aan baabi’inno,” ayuu u sheegay askartii isugu soo ururtay geedaha hoostooda.


Ciidamada Tigreega ayaa ku hanjabay inay gudaha u soo galayaan caasimadda Addis Ababa ama ay isku dayi doonaan inay jaraan marinka isku xira Itoobiya oo aan bad lahayn iyo dekedda ugu weyn gobolka; laakiin wixii markaas ka danbeeyay waxaa dagaalka ku biiray Abiy Ahmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON