Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gudddoomay abaal-marinta caalamiga ee nabadda ee Nobel, isagoo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhcay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Abiy Ahmed ayaa bogaadiyey doorkii ay Eritrea oo ay caddow ahaayeen dalkiisa, ka qaadatay nabadda labada dal iyo abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace ee la siiyey. Ra’iisal wasaarah Itoobiya ayaa abaal-marinta ku helay dadaalkiisa xal u helidda dagaalkii dheeraa ee lagu hoobtay oo ka dhex aloosana labada dal ee deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea.
“Anigoo ku hadlaya magaca Itoobiyaanka iyo Eritreyanka, gaar ahaan kuwa wax kasta u huray nabadda ayaan aqbalayaa abaal marintan” ayuu yiri Abiy, oo ka hadlayey munaasabadda abaal marinta Xafladda.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayuu sidoo kale sheegey in uu ammaanayo doorkiisa nabadeed, ee madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo uu sheegey inuu abaal marintan magaciisa uu ku qadanayo.
Dhinaca kale wuxuu Abiy Ahmed cambaareeyay dad uu sheegay inay dalkiisa ka fidinayaan naceyb iyo kala qeybsanaanta qalalaase ka dhex abuuraya bulshadeena iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, wuxuuna sheegay inuu kuwaas ka hortegi doono.