Meydka Samafale Abdurrahim Yörük oo ah muwaadin Turki ah oo u shaqeynayay Hay’adda Verenel Association ayaa maanta Muqdisho laga duuliyay si dalkiisa loogu celiyo, kadib markii uu ku dhintay Qarax ay Alshabaab la beegsatay Gaari uu la socday oo duleedka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay inay Qaraxa ku waxyeeloobeen dhammaan dadkii la socday Gaariga, ayna ku dhinteen qaarkood, iyagoo ku guda jiray afuris ay u sameynayaan dadka barakacayaasha ah.
Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay qof Soomaali ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale. Alshabaab ayaa shegtay in qaraxa oo ka dhacay Tabeellaha Sheekh Ibraahim ku dishay laba sarkaal oo Turki ah iyo 5 askari oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga.
Samafale Abdurrahim Yörük ayaa Soomaaliya yimid 5 bilood ka hor, wuxuuna ka waday howlo afurin iyo gargaar oo uu wakiil uga ahaa Verenel , wuxuuna qorsheynayay inuu dib ugu laabto Qoyskiis oo dgean magaalada inta lagu guda jiro Ciidu fitriga, balse hadda meydkiisa ayaa dib loo celiyay dalkiisa.
Xilliga qaraxa lala beegsaday samafalaha ayaa la sheegay inuu u socday baraacayaasha ku jira xeryo u dhow degaanka Garasbaalay, isagoo u waday gargaar loogu talogalay dadka baahan xilliga bisha Ramadaan.
Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud iyo safiirka dalka Türkiye ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa ka mid ahaa mas’uuliyuiin Garoonka Muqdisho ka sagootiyay Meydka samafale Abdurrahim Yörük.
Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare, iyadoo booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay gacan weyn ka gaysatay joojinta macluushii waddanka ku dhufatay.


