Abaalmarin lacageed ayuu guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda, xilli wadooyinka Muqdisho u xirmeen Biyo fadhiya iyo Dhooqo.
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka fal celinaya eedeymaya siyaaisyiinta iyo cabashada shacabka ee k usabasan waxqabad la’aanta ayaa qabsaday xaflad yaab leh oo lagu sheegay in lagu abaalmarinayo xubno ka tirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaasi oo muujiyay howl-karnimo iyo kasoo dhalaalid shaqooyinkii ay u hayeen Maamulka iyo Shacabka.
Guddoomiyaha Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa mas’uuliyiinta uu Lacagta ku abaalmariyay waxaa ka mida Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi, Madaxa Xafiiska Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud Bashiir Nucmaan Sheekh Cumar iyo Madaxada Ganaaxyada Gaadiidka Nadaafada Cali Xasan Cali ayaa la guddoon siiyay abaalmarin lacageed.
Dad badan ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday maamulka Gobolka banaadir, halka qaar kale ay sheegeen inay jeesjees ku tahay dadweynaha ku nool Muqdisho.