Monday, March 24, 2025

Abaabulkii ugu danbeeyay oo ka socda Sh/DHexe iyo Beesha Madaxweynaha oo ku biireysa dagaalka..

Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya in abaabulkii ugu danbeeyay ee dagaal uu ka socdo degaano ka mida Gobolkaasi, iyadoo beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya la filayo inay si buuxda ugu biirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Ciidamo laga abaabulay magaalada Muqdisho oo ay horkacayaan mas’uuliyiin iyo xildhibaanno ayaa gaaray degaano ay ka mid tahay degmada Cadalle oo la sheegay inay xarun u noqon doonto, waxaana tallaabadan ay imaaneysaa iyadoo dagaalladu weli ka socdaan Gobolka Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaa abaabushay maleeshiyaadka Beelaha dega Koonfurta Soomaaliya si ay degaanadooda uga xoreeyaan Alshabaab, kadib kacdoonkii dadka Gobolka Hiiraan kala hortageen Alshabaab.

Ad

Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya oo degta Gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe ayaa in muddo ah ku jirtay diyaar garow, iyadoo lagu dhaliilay inay ka gaabisay dagaalka Alshabaab oo degaano badan ka heysta labadaas Gobol.

Mid ka mida xarumaha ugu weyn Alshabaab ee degaanada bartamaha Soomaaliya ayaa ah Degmada Aadan Yabaal oo muddo dheer ay heysteen Alshabaab, xuduudna la leh Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON