Wararka laga helayo Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya inuu socdo abaabul dagaal oo ku wajahan xarumaha ugu waaweyn Alshabaab ee Xarardheere iyo Ceeldheer oo muddo dheer ay heysatay.
Magaalooyinka muhiimka ah ee Xaradheere iyo Ceeldheer ayaa ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud, waxayna xigaan dhinaca Xeebta, iyadoo ciidamada Galmudug ee Mudug iyo Galgaduud ay galeen diyaargarowgii ugu danbeeyay.
Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa u gudbay degaanka Mesegowaa, waxayna kaabiga ku hayaan degmada Galcad, iyagoo shalay la wareegay degaamo ka tirsan.
Waxaa sidoo kale dagaalka Xarardheere ku wajahan ka qeyn qaadanaya ciidamada PSF ee ka socda Puntland, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in dhowr jiho laga weerarro degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maleeshiyadda Alshabaab ay banneeyeen, kana baxeen goobo ay ka mid yihiin Xarardheere iyo Ceeldheer.
