Monday, February 10, 2025

Aag dagaal cusub oo ka furmay Godobjiraan iyo Ciidamada Puntland & Alshabab oo qarka isu saaran

Dagaalka u dhaxeeya maamul goboleedka Puntland iyo Alshabaab dhowaan ka degay xeebaha Mudug iyo Nugaal ayaa sheegaya inay aagag dagaal oo cusub furmayaan, kadib dagaalkii saaka ilaa maqribnimadii caawa soo gaaray ee ka qarxay degaanka Suuj.

Gudoomiyaha Degmada Godob-jiraan Yuusuf Maxamed Faarax (Geesawayne) oo la hadlay wareysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in xaalada degmada ay degan tahay oo  ciidamada Puntland  ay diyaar garow ku jiraan si looga hortago weerarka ka yimaada kooxda hubaysan ee soo galay degmada.

Degmada Godobjiiraan waxaa gaaray maanta ciidamo uu hogaaminayo  gudoomiyaha Gobalka Mudug waxaana suuragal ah in dagaal ka dhex qarxo labada ciidan wixii ka bilowda caawa ilaa berito.

Ad

Waxaa sii badanaya aaggaga dagaal ee ka furmay degaanada Puntland iyadoo ciidamo kale oo Alshabaab ka dejisay xeebahaasi ay ugu yaraan fadhiyaan laba meelood oo kala ah degaanka Bandar Beyla iyo Degaanka Garacad oo Gobolada Bari iyo Mudug ka tirsan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON