Friday, March 21, 2025

Aaden Barre Ducaale: “Dowladda Kenya ma ogolaaneyso in Kenya laga farageliyo siyaasadda Soomaaliya…”

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa ka hadlay falkii ay ciidamada Kenya u joojiyeen kulan taageero ah oo siyaasiga mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ku qaban lahaa magaalada Nairobi.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in ciidamada amniga Kenya ay hor istaageen oo ay joojiyeen kulanka, wuxuuna sii raaciyey in Kenya aysan ogolaan doonin in siyaasadda Soomaaliya laga farageliyo dalka Kenya.

Aden Barre oo ah ninka Soomaaliga ah ee ugu awoodda badan dalka Kenya oo hoggaamiya xildhibaanada xisbiga talada haya ee dalkaasi ayaa hore u caddeeyay inaysan dowladda Kenya ogoleyn abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Farmaajo inuu laga sameeyo gudaha Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON