Thursday, November 30, 2023

Aadan Madoobe oo tartan caalami ah ka reebay Xildhiban Marwa Bashiir iyo Dood ka taagan

Dood culus ayaa ka dhalatay Qoraal lagu baahiyay Baraha Bulshada, kaasoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka udiray Midowga Baarlamaanka Adduunka.

Warqadda Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu caddeeyay in Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji ay ka hartay tartankii hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka oo hore ay ugu taageereen labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana lacago u ururiyeen ololaheeda.

Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji ayaa la xaqiijiyay inaysan ogeyn qoraalka uu diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana ay la yaab ku noqotay xilli ay ku guda jirtay ololaha doorashada oo ay isugu soo hareen haween ka kala socda dalalka: Somalia, Tanzania, Malawi, iyo Senegal.

Ad

Xildhibaanno, siyaasiyiin, mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne ayaa ka fal celiyay tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe, kuna tilmaamay fadeexad weyn, kadib markii uu go’aansaday inuu tartan doorasho ka reebo Xildhibaan Marwa bashiir Xaaji oo iskeed xilka Guddoonka Baarlamaanka Adduunka, taageerana ka heshay xildhibaanada iyo guddoonka labada aqal.

Ma cadda waxa ku kalifay Sheekh Aadan Madoobe inuu arrintan ku dhaqaaqo, balse warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kuwaas oo aan la xaqiijin, balse waxaa ka carooday xildhibaanno badan oo aragtidooda kusoo bandhigay Baraha Bulshada.

Dadka qaar ayaa arrintan ku eedeeyay Guddoomiye Aadan Madoobe oo mas’uuliyadda qaadaya wixii arrintaas ka yimaada, halka qaar kale oo ua badan taageerayaashii Farmaajo ay arrintan dusha u saareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON