Sunday, April 27, 2025

80 jir iyo Qoyskiisa oo Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Duqeyn Kenya ka fulisay Gedo

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeyn culus ka geystay degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, iyadoo lasoo weriyay inay dad shacab ah ku dhinteen duqeyntaasi.

Duqeynta oo xalay ka dhacday degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa la xaqiijyay iney ku dhinteen Oday waayeel 80 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cali iyo nin dhalinyaro ah, waxaana ku dhaawacmay xaaska Odayga iyo qaar ka mida ehelkiisa.

Weerarrada cirka ee Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa sii kordhay, kadib markii Alshabaab sii xoojisay weerarrada ay ku qaadeyso Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waana duqeyntii ugu qasaaraha badneyd muddooyinkan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON