Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay isbitaal ku yaalla magaalada Koonfurta Galbeed ee Pakistan ku taalla ee Quetta, halkaasi oo 63Â qof ay ku dhinteen, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dadka dhintay badankood ahaayrrn garyaqaanno iyo dadweyne.  Sarkaal sare oo Boolis ah oo lagu magacaabo Zahoor Ahmed Afridi ayaa sheegay in dhowr qof oo Boolis ah iyo laba shaqaale saxaafadeed ah ay ku jiraan dadka dhintay.
Qaraxa ayaa dhacay waxyar un kadib markii tobaneeyo garyaqaanno ah ay isugu soo baxeen isbitalka Quetta iyaga oo ka banaanbaxaya dilka Guddoomiyaha Qareenada degaankaasi Bilal Anwar Kasi oo toogasho lagu dilay aroortii hore ee saaka.
Waxaa dhulka daadsanaa dad isugu jira meyd iyo dhaawac, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sii kororto.
DAAWO SAWIRRO
Wakaalado