Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeennada Puntland ayaa maanta khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland, iyadoo dooraso adag ay dhici doonto 8-da Janaayo ee Berrito.
Haddaba waxaan halka ku eegi doonnaa Musharixiinta ugu cadcad tartanka xilka Madaxweynaha Puntland iyo rajadooda inay ku guuleystaan Doorashada Isniinta, iyadoo ay tartanka ku jiraan siyaasiyiin culus iyo madax hore oo Puntland iyo dowladda Federaalka ka tirsana.
Musharixiinta ugu cadcad xilka Madaxweynaha Puntland waxaa ka mida:
1- Siciid C/llaahi Deni: Waa madaxweynaha xilku ka dhammaanayo ee 5- sano oo hayey xilka, wuxuu dadaal xoog leh u galo inuu doorasho Qor iyo Cod ah ka qabto Puntland, taasoo uu ku fashilmay. Arrinta ugu weyn ee doorashada ku gelayo waa sida uga horjeedo dowladda Federaalka.
Deni intii uu xilka hayey waxaa Puntland ka dhacay dagaallo iyo qalalaase siyaasadeed oo magaciisa aan ka hari doonin, wuxuuna saaxiib dhow la yahay Imaaraadka Carabta. Rajadiisa waxay ku xiran tahay xildhibaannada oo in badan uu saameyn ku leeyahay, lakiin waxaa damaciisa dib u doorashada halis ku haya waxqabad la’aan iyo qalaalasaha uu Putland geliyay.
2- Abshir Cumar Haruuse: Waa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda dowladda Federaalka, waana nin degan oo ololihiisa doorashada aanu xumeyn, balse rajadiisa waxaa kor u qaadi kara haddii uu taageero ka helo musharixiinta mucaaradka.
3- Guuleed Saalax Barre: Wuxuu wasiir hore uga soo noqday Puntland, wuxuuna madax ka ahaa Guddiga Doorashada Puntland, kaasoo uu iska casilay marki ay isku dhaceen Siciid Deni. Guuleed oo la sheego inuu xiriir la leeyehay madaxweynihii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, rajadiisa xilka Madaxweynaha Puntland waa adag oo caqabado badan ku wareegsan yihiin.
4- Xasan Shire Abgaal: Waa Wasiir xilal kala duwan kasoo qabtay, waaya-arag muddo dheer ku soo jiray siyaasadda degaanadaasi, lana soo shaqeeyay madaxdii Puntland, ka tirsanaa kooxda Aaranjaan, oo ay is qabteen Siciid Deni.
Rajadiisa xilka ugu sareeya Puntland waa inuu wareega labaad soo gaari karo, inkastoo lagu xagliyo inu u janjeero dowladda Federaalka, haddana waa musharax miisaan leh oo taageeradiisa ay muhiim u taghay musharax kasta oo raba inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Puntland.
5- Axmed Ciise Cawad: Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Safiir hore, waa musharax kale rajo badan qaban, laakiin aan wax badan kusoo shaqeyn nidaamka maamul Goboleedyada.
Rajada Axmed Cawad waa mid lagu qiyaasi karo inay guul u noqoneyso haddii uu ka gudbo wareegga koowaad, waxana tartanka kula jira musharixiin culus oo saameyn ku yeelan kara rajadiisa.
Musharixiinta kale sida Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas iyo Asad Cusmaan C/llaahi waxay u muqdaan inay tartaka u galeen si ay kursiga u dhaafiyaan Sicii Deni, ugana hortagaan in dib loo doorto.