Friday, March 28, 2025

33 Askari oo Turkiga looga dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria & dagaal buuxa oo qarxay..

In ka badan 33 askari ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacay Gobolka Idlib ee dalka Syria, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Weerarkan oo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Turkiga ee gudaha ugu jira dalka Syria ayaa markii hore la sheegay inay ku dhinteen 29 askari, ayna ku dhaawacmeen 30 askari oo kale, laakiin guddoomiyaha Gobolka Hatay ee dalka Turkiga oo ku yaalla xuduudka labada dal ayaa shaaciyey in tirada ciidamada Turkiga ee duqeynta ku dhintay ay gaareen 33 askari iyadoo dhaawaca qaarkoodna ay halis yihiin.

Duqeynta ayaa waxaa qaaday diyaaradaha dagaalka ee dowladda Syria, kadib weerar kooxaha mucaaradka ku qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Saraqib, iyagoo gacan ka helaya ciidamada Turkiga. Sidoo kale muuqaallo ay baahisay wasaaradda difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarro laba todobaad lagu waday ciidamada Syria lagu dilay ilaa 1700 askari, laguna gubay 55 Taangi iyo hub kale oo waaweyn.

Ad

Ciidamada Turkiga ayaa jawaab ka bixiyey weerarka ugu danbeeyay, waxaana la sheegay inay duqeeyeen saldhigyada ciidamada dowladda Syria ee Gobolka Idlib, iyadoo kulan degdeg ah oo ay yeesheen madaxweynaha Turkiga, taliyeyaasha ciidamada iyo golaha amniga Turkiga, wuxuuna kulankaas qaatay muddo 6 saacadod ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaya in ciidammada Suuriya ay ka durqaan goobaha ay saldhigyada ka sameysteen milateriga dalkiisa. Waxa uu ku goodiyay inuu weerrari doono ciidammada dowladda Suuriya haddii a goobahaas ka bixin aakhirka Bisgan Febraayo.

Ruushka oo taageera dowladda Syria ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu taageerayo kooxaha argagixisada Syria si ay u weerarraan ciidamada dowladda Syria, ayna jebisay heshiisyadii hore loo dhigtay; sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda difaaca Ruushka.

- Advertisement -

Xaalada ayaa u muuqata dagaal buuxa oo dhex maraya ciidamada dowladda Syria iyo Turkiga oo ka socda gudaha dalka Syria, wuxuuna Turkiga taagerayaa falaagada Syria, halka Ruushka uu taageero dowladda Syria.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON