Saameyn culus ayaa Weerarkii xalay Iran ku qaaday Israel, kaasoo jawaab u ahaa duqeyntii Yuhuuda ku qaaday Qunsuliyadii Iran ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria.
Weerarka ayaa ku bilowday diyaaradaha Drone-ka, kadibna waxay Iran riday Gantaallaha Criuse-ka iyo kuwa Balastikada, iyadoo la xaqiijiyay in Iran ay adeegsatay in ka badan 300 oo isugu jira gantaalada ballistic-ga ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka, iyo gantaallada cruise-ka.
Gantaalaha Iran waxay duqeeyeen saldhiga ciidamada cirka Yuhuudda ee Nafatiim, iyadoo uu gaaray bubur. Iran waxay sheegtay in kala bar gantaaladii ay xalay ku duqeysay Israa’iil ay ku guulaysteen inay beegsadaan bartilmaameedkooda, halka ciidamada Israa’iilna ay dhinacooda caddeeyeen inay 99% ka hortageen diyaaradaha Drone-ka gantaallada iran.
Israel ayaa sheegtay in 7 gantaal oo kaliya ay galeen hawadeeda, marka la eego 110 gantaal oo ballistic ah oo Iran ku weeratay degaanada Yuhuudda.
Difaaca Israel waxaa ka qeyb qaatay Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo hawada dalalka Ciraaq, Syria iyo Jordan uga hortegay Diyaaradaha Drone iyo Gantaallaha inta aysan gaarin Israel, taasoo ka dhigan in saddexdaas dal ay si weyn u difaaceen Yuhuudda.
Lama oga sida xaaladda noqon lahayd haddii dalalka Mareykanka iyo Reer Galbeedka aysan ka qeyb qaadan lahayn inay Israel ka difaacaan weerarka Iiran, taasoo caddeyn kale u ah in Israel aysan keligeed is difaaci karin.
Waxaa la sugayaa jawaabta Yuhuuddu bixin doonto xilli Mareykanku ku cadaadinayo inaysan ka jawaabin weerarka Iran, kadib markii Iran ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto wixii weerar ah ee ka yimaada Israel.