Kulamo degdega ayaa la isugu yeeray Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib heshiiskii dowladda Itoobiya la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland.
Heshiiskaas oo shalay la shaaciyay ayaa dowladda Itoobiya looga kireeyay Dhul iyo Bad ka mida Soomaaliya oo gaaraya 20 KM, iyadoo muddo 50 sano ahna la siiyay Saldhig Milateri oo ay ku yeelato Badda Cas, waxaana heshiiska is-afgaradka ah kala saxiixday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Dowladda Federaalka ayaa xaalad degdega gashay, waxaana ugu horeyn kulan loogu yeeray Golaha Wasiirada, kadibna waa kulan kale loogu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasoo la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya khudbad ka jeedin doono.
Siyaasiyiin iyo Aqoonyhanno kala duwan ayaa dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu qaado go’aano adag oo lagu badbaadinayo qaranimada Soomaaliyeed, waxaana ka mida:
1- Inay Dowladda Soomaaliya xiriirka diblomaasi u jarto dowladda Itoobiya.
2- Inay ciidamada Itoobiya ka saarto dalka, kuwa ka tirsan ATMIS iyo kuwa kale ee iskood u jooga.
3- Inay Dacwad ka dhan ah faragelinta dowladda Itoobiya u gudbiso Qaramada Midoobay Golaheeda amniga, ururrada Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, Ururweynaha islaamka iyo urur Goboleedyada.
Go’aanka dowladda Federaalka arrintan ka qaadato ayaa soo baxaya maanta, waxaana la sugayaa heerka uu gaari doono.